Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka oo anisixiyey heshiiska doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa u ansixiyay heshiiskii doorashada oo ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 255 xildhibaan oo ay 40 ka mid ah yahiin Senetaro ka socday aqalka sare, waxaana lagu ansixiyay codad sare.

Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo horay gudoonka golaha shacabka usoo noqday ayaa tabay heshiis maqan kaas oo ah guddiga xalinta khilaafaadka hadii dood ay ka timaado kuraasta.

Wuxuuna sheegay in la ogaado cidda leh go’aanka ugu dambeeya hadii muran ka dhasho kuraasta.

Codeyntii la qaaday waxey u dhacday sidii la filayay 251 xildhibaan ayaa ansixiyay oo ogolaaday heshiiskii doorashada, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiekh ayaa ku dhawaaqay in heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho uu yahay mid ansax ah, isla markaana ay madaxweynaha dib ugu celin doonaan iyagoo raacsiin doona lifaaq.