Prof. Jawaari: “Xasan Kheyre guriga ayuu iigu yimid waxa uuna i weydiistay arrintan.”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan la qaatay ra’isul wasaarahii hore dalka mudane Xasan Cali Kheyre kaas oo xukuumadiisa la tuuray dhamaadkii July.

Labadaan masuul ayaa dhawaan ku kulmay Muqdisho, balse ma aheyn markii ugu horreysay oo ay isku yimaadaan sida uu ka dhawaajiyay Jawaari oo qiray in April 2018 ay kulmeen.

Hadal heyn badan ayaa laga sameeyay kulankii uu Xasan Cali Kheyre hoygiisa ku booqday Prof. Jawaari 15-kii bishaan, kaas oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxeyna kusoo aaday xilli ra’isul wasaarahii hore uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada dalka.

Prof. Jawaari wuxuu biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in kulankii ugu dambeeyay uu ahaa raali-gelin, wuxuuna sheegay in maalmo kadib gudbinta istiqaaladiisii xilka gudoonka golaha shacabka ay taasi dhacday.

“Laba bari kadib markii aan istiqaalada gudbiyay ayuu guriga iigu yimid, wuxuu igu yiri: noo duceey, waan duceysanay, sheydaan ayaa nasoo kala dhexgalay aan is facino ayuuna igu yiri, markaas bey aheyd raali galinta,” ayuu yiri Jawaari.

Si kastaba Xasan Cali Kheyre wuxuu mudooyinkii dambe waday kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida si looga dhex arko siyaasadda Soomaaliya.