Kenya oo ciidamo hor leh u soo direysa SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa qorsheyneysa in ciidamo dheeraad ah ay u soo dirto gudaha Soomaaliya, si ay ugu biiraan howl-galka AMISOM.

Ciidamada ay Kenya soo direyso ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 600 oo aaskari, sida lagu sheegay war qoraal ka soo baxay guddiga sare ee dowladda Ingiriiska.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ciidamadaasi lagu diyaarinayo magaalada Samburu halkaas oo ay tababar ku siinayaan saraakiil ka socota UK.

Kenya ayaa ciidamada cusub ee ay soo direyso waxaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Balse warka ka soo baxay guddiga sare ee Ingiriiska laguma sheegin xilliga rasmiga ah ee ay ciidamadaasi soo gaari doonaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa horay Soomaaliya uga joogay ciidamo badan oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya ,Ethiopia iyo Jabuuti.