Xogta geeridii Dr. Cali Khaliif Galayr – Maxaa dhacay 24 September illaa 9 October?

1 – Badhtamihii September 2020 – Togwajale ayay Salaadiin rer-Jigjiga ahi Dr. Cali ka soo qaadeen, waxaana la dajiyey Jigjijga International Hotel.

2 – September 24, 2020 – Qado sharaf ONLF u samaysay iyo sawirro uu la galay Gudoomiyaha iyo Wasiiradda Itoobiya Filsan.

3 – September 29, 2020, October 2, Faysal Cabdi Roolbe oo Telephone ku la hadlay – waxaana isku xidhay cadre ka mid ah ONLF – waxa uu ka dayrinayey madaxda Soomaaliland. Isla maalin ka hore waxa Hargeysa gaadhay wafdi uu hogaaminayo Dr. Xussen Xaashi.

4 – October 2, Wareysi adag uu siiyey NABAD TV (waa TV ka madax banaan DDS).

October 3, Sabti, Faysal Cabdi Rooble oo telephone ku la hadlay Dr. Cali Khalif Galaydh isagoo aad u caafimaad qaba – Wax xanuun ah ma sheegin. Waxaan ku booriyey in uu madaxweyne Musafa arko.

5 – October 4-7, xanuun la yidhii cunto sumow ayaa la inoo sheegay.

October 5, Waxa Hotelka Cali ku sillicsanaa yimid Dr. Xuseen Xaashi iyo Xasan Dhaadi oo ah chief of staff. Waxa loo sheegay in Dr. Cali taakulayn rabo. Labaduba wey ka gaabsadeen weliba si aan naxariisi ku jirin u hadleen – waa sida warka aan kaga heley dad gacanta ku hayey marxuumka.

6 – October 6, nin Maraykanka ka yimid oo madaxweyne Mustafa xidhiidh leeyihinn ayaa laga codsaday in uu Madaxweynaha u sheego in Dr. Cali il daranyahay, xanuunka uga sii darayo. Xataa dadkii ka keenay Wajaale wey ka gaabsadeen soo eegistiisa.

October 7, madaxweynaha mar ala markii loo sheegay amar bixiyey in daarada Qaryaan Dhoonaan meel looga diyaariyo Marxuumka

Ocober 7, isla markii amarkaasi baxay, Xasan Dhaadi ayaa u xaqiijiyey una sheegay muwaadinkii madaxweyne Mustafa xidhiidhka la haayeen in Dr. Cali Khalif lagayn doono qol ku yaal daarada Qaryaan Dhoodaan.

October 8, Waxa geeriyooday Dr. Cali Khaliif Galaydh. October 8 isagoon weli qolkii hoteelka uu lahaa mudo afar beri ah iga saara ka bixin. Isla fiidnimadii ayuu Ambulansi geeyey Qaryaan Dhoodaan maydkii Dr. Cali.

Ocotber 8, fiidkii, nin la yidhii waa Dhaktar ka tirsan maamulka DDS ayaa ku andacooday in Covid-19 sababay dhimashada Dr. Cali.

October 9, 2020, Dhakhtarkii Cali daweynayey ayaa beeneeyey in Cali u dhintay Covid-19.

Silic, sun, iyo daryeel la’aan ayuu Dr. Cali u dhintay. In kabadan 40 sano iyo Dr. Cali maareeyn jiray sonkorta nin inta badan bukoon jirayna ma ahayn. Alahu Yarxam.