Maandooriye loo soo waday magaalada Muqdisho oo lagu gubay gobolka Hiiraan

Beledweyn (Caasimadda Online) – Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu gubay Maandooriye loo soo gudbin rabay magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka magaalada Beledweyn ayaa todobaadkii lasoo dhaafay qabtay 197 dhalo oo khamri ah taasoo la doonayay in la keeno Muqdisho, kooxda waday alaabtaan ayaa isku dayay iney qalab ganacsi ku dhex qariyaan.

Meel fagaare ah ayaa lagu gubay iyadoo ay goob joog yahiin gudoomiyaha magaalada Beledweyn, gudoomiyaha maxkamadda gobolka, taliyaha booliska magaalada iyo kan gobolka.

Gudoomiyaha magaalada ayaa ku bogaadiyay ciidanka Booliska shaqada ay qabteen iyadoo uu ku raacay taliyaha maxkamadda gobolka C/raxiin Taakooy.

Sidoo kale waxey sheegeen in dadka lagu soo eedeeyay iney alaabtaan maandooriyaha ah u wadeen Muqdisho ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago laguna qaado xukunkooda hadii uu dambiga ku cadaado.