DF oo war cusub ka soo saartay geerida Cali Khaliif

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Warsame Bidhaan oo ka mid ah guddiga loo xil-saaray aaska Qaran ee loo sameynayo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay wararka sheegaya in baaris dheeraad ah lagu sameynayo waxa sababay geerida marxuumka.

Bidhaan oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa caddeeyey in meydka marxuum Cali Khaliif marka la keeno la aasayo, islamarkaana aysan jirin baaris la sameynayo.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray wararkii la’isla dhex-marayey ee sheegayey in baaritaan lagu sameynayo, ka hor inta aan la aasin marxuumka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Salaadda Janaasada marka lagu tukado horey laga sii aasayo meydka.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in marxuumka lagu aasayo gudaha Muqdisho, islamarkaana ay ka qeyb-geli doonaan salaada Janaasada madaxa sare ee dalka.

“Maydka Marxuumka waxaa lagu aasayaa Muqdisho, madaxda sare ee dalka ayaa ka qaybgaleysa salaadda janaasada, marka lagu tukado kadib waala aasi doonaa” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ehellada marxuumka ay dalbadeen in la baaro, maadaama shaki ay ka qabaan sababta geeridiisa oo is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya uu ku sheegay inuu u dhintay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Si kastaba ha’ahaatee saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in meydka marxuumka laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/ Muqdisho.