25.1 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Warqaddii uu Rooble u diray maamul goboleedyada ‘oo abuurtay xiisad cusub’

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Jimcihii soo saaray warqad ku socoto afar Madaxweyne Maamul Gobaleed, kuwaas oo kala ah Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna xasuusinayay in la dhaafay waqtigii laga sugayay in ay soo magacaawdaan min labada xubnood ee ku matali doono guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Qaran.

Warqada ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo cayiman loogu qabtay madaxweynayaasha in ay ku soo gudbiyaan xubnaha matali doono waxaana mudadaas ka dhiman maanta  kaliya, waana 20-ka bishaan.

Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uusan fahamsaneen halka ay ka jirto dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatada hortaagan fulinta heshiiskii doorashadii Soomaaliya.

“Warqada soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uma qorna si cilmiyeeysan, waxaa ka muuqato in deg deg lagu qoray mana ahan warqad u qalanto in ay ka soo baxdo xafiis Ra’iisul Wasaare, waxayna abuurtay xiisad cusub” ayuu yiri Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane.

“Dhibaatada fulinta heshiiska waxay ka jirtaa dhinaca Madaxtooyada maamul gobaleedyadu waxay qabaan cabasho, waxaana haboon in marka hore Ra’iisul Wasaaraha fahmo halka ay wax a jiraan waxaase dhici karto in loo soo dhiibay qoraalkaan oo WhatsApp loogu soo diray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane.

Maamul Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, iyo kuwa kale ayaa la sheegay in ay qabaan tabashooyin ku saabsan sida ay Villa Somalia ku wado fulinta heshiiskii doorashada Soomaaliya. Sidoo kale Jubbaland ayaa qabta dood ku saabsan arrimaha gobalka Gedo, oo ay dooneyso in laga saaro ciidamada dowladda, waxaana laga cabsi qabaa in heshiiska doorashooyinka dhaqan geli waayo.

- Advertisement -

Read more

Local News