Donald Trump oo wajahaya cawaaqibka tallaabooyin dhowr ah oo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wajahaya loolan adag oo doorasho, kaasi oo ku rabo inuu markale ku hanto 4-sanno oo kale, iyada oo lagu xusuusto tallaabooyin go’aanno adag ku dheehan oo uu qaatay mudada uu xafiiska joogo.

Go’aanada Trump ayaa waxa si weyn ugu kala qeybsamay dadka Mareykanka, kuwaasi oo qaarkood ay ku taageersan-yihiin, halka qaar kale ay qabaan in dhibaato ku tahay dadka iyo sumcadda dalka Mareykanka.

Caqabadda ugu weyn ee xiligan uu wajahayo Trump ayaa ah diidista sharciga degenaanta dalkaas, taasi oo keentay in lamaanayaal ku kala maqan safar ay ku adkaato inay helaan warqad u fasaxeysa inay dib ugu soo laabtan dalka, iyada oo kuwa degana ay u diideyso inay sii joogaan.

Haweenka Muslimiinta ah ayaa u arka in xayiraadda Madaxweynaha Mareykanka ay si gaar ah u taabatay, waxa ay ku doodeen in haatan Ragga qaba ay ka maqan yihiin dalkaas, kaliya ay sugayaan natiijada doorashada 3-da November.

Pamela iyo Afshin Raghebi waxa ay u dabaaldegi doonaan sanad-guuradoodii 10-aad ee guurkooda bisha Diseembar, balse farxad & murugo xusuustooda waxa ay ku xiran tahay natiijada doorashada Mareykanka ee Bisha November.

“Waxa aan u baahanahay gurigiisa, ninkeyga waxaa laga hor istaagay in uu Soo galo Mareykanka muddo labo sano laga joogo, kadib markii loo dhameystiri waayay sharciga joogtada ah ee deganaanshihiisa rasmiga ah” Sidaasi waxaa Wakaaladda APF u sheegtay Haweeneyda lagu magacaabo Pamela iyada oo ilmeyneysa.

Go’aanka Madaxweyne Trump waxaa taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka sanadkii 2018-kii, xayiraadda ayaa sameyn taban ku yeelatay muwaadiniinta Lox dal oo Muslimiin ah, inkasta oo markii dambe laga saaray dalka Ciraaq oo askar Ameerikaan ah joogaan.

Waxaa wehliya waddamo kale oo colaad dhanka diblumaasiyadda ah kala dhaxeyso Mareykanka, guud ahaan waddamadaas oo laga reebay Ciraaq waxa ay kala yihiin: Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen, Kuuriyada Waqooyi & Venezuela.

Baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in laga soo bilaabo Oktoobar 2019-kii ilaa haatan in ka badan 15,000 oo dad is qaba ah iyo carruur yar yar oo ay isku dhaleen saameyn ku yeelatay xayiradda Madaxweyne Donald Trump.

Waxaana lagu wadaa in dadka go’aankaasi uu saameynta weyn ku yeeshay ay ka hiilin doonaan madaxweyne Trump oo dhawaan wajahi doona loolaan doorasho oo adag, taasi oo hoos uga dhigi karta natiijada codadka dhigiisa.