Joe Biden oo si lama filaan ah u qabtay hoggaanka gobol sanado badan Jamhuuri ahaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Atlanta (Caasimada Online) โ€“ Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa sii xumaaneysa, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

Joe Biden ayaa waxyar un ka badan kun cod ka horreeya Trump, ayada oo tirinta codadka gobolkaas ay gebo-gebo tahay.

Gobolka Georgia ayaan u codeyn musharax madaxwene oo Dimoqraadi ah tan iyo 1992-kii, markaasi oo uu ku guuleystay Bill Clinton, waxaana wixii markaas ka dambeeyey uu ahaa gobol Jamhuuriga ku xooggan yihiin oo la isku halleyn karo.

Haddii Biden ku adkaado gobolka, ma jirto hab uu Trump doorashada ugu guuleysan karo, xitaa haddii uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale ee harsan ee aan weli la goโ€™aamin cidda hanatay.

Guusha Georgia ayaa Biden siin doonta 269 cod, waxaana haddii Trump uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale uu heli karaa 269, taasi oo goโ€™aanka doorashada u gacan gelineysa Aqalka Wakiilada, oo ay maamulaan Dimoqraadiga. Guusha doorashada ayaa u baahan 270.

Gobolada kale ee aan weli la goโ€™aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden.

Joe Biden, wuxuu hadda leeyahay 253 cod, halka Donald Trump uu ka haysto 214 cod.

- Advertisement -

Read more

Local News