Maxaa iska beddali doona go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel haddii laga guuleysto?

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uul hore uga tirsanaa dowladda Sacuudiga ayaa saadaaliyay ineysan waxba iska badali doonin go’aankii uu Donald Trump ku ogolaaday inuu Qudus ugu aqoonsado caasimadda Yahuuda, haddii looga adkaado doorashada Mareykanka.

Turki Al-Faisal, oo mar soo noqday madaxa mukhaabaraadka Sacuudiga, wuxuu aaminsan yahay in Joe Biden, haddii loo doorto madaxweynaha Mareykanka uusan beddeli doonin  go’aankii Trump ee Qudus, iyo sidoo kale kii buuraha Golan Height ee Syria lagu siiyey Israel.

Amiirka wuxuu hadalkaan kasoo yeeray isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta, wuxuuna wali aaminsan yahay in Falastiiniyiinta aysan waxba usoo kordhineyn isbadalka ka dhaca dalka Mareykanka iyo haddii Joe Biden uu kusoo baxo xilka.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha carabta ay aaminsan yahiin in Joe Biden uu uga roonaan doono Trump dadka reer Falastiin, balse isaga aysan taas u muuqan, wuxuuna qabaa in wadadii Trump uu raaci doono.

Inkastoo ay dunida Muslimka ah aad u cambaareysay arrintaas, hadana Donald Trump wuxuu caasimadda Yahuudda u aqoonsaday Qudus sanadkii 2017, sidoo kale madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu hirgaliyay heshiis uu ugu yeeray midka qarniga.

Wuxuu isku soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Yahuudda, maadaama uu ka shaqeeyay heshiisyo diblomaasiyadeed oo ay Yahuudda la yeeshaan Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo dalka Suudaan.

Dadka reer Falastiin aad ayey arrintaan u cambaareeyeen, balse imaatinka Joe Biden wax isbadal ah inuu ka imaanayo uma arko amiir Turki Al-Faisal.