Tuesday, July 28, 2026

Taiwan oo saraakiil sar-sare u soo direysa Somaliland iyo qorshe cusub oo socda

[new_author_name]

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Taiwan ayaa shaacisay in saraakiil ka tirsan maamulkeeda ay u direyso Somaliland, oo sanadkan horaantaasi ay kala saxiixdeen heshiis diblumaasiyadeed, kaasi oo keenay inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa.

Mas’uuliyiinta ay Taiwan u direyso magaalada Hargeysa ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dar-dar gelinta heshiiskii ay hore u kala saxiixdeen labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhinacyada horumarinta.

Wafdiga Taiwan ayaa dhawaan gaari doona Somaliland, kuwaasi oo soo indho-indheynaya arrimaha beeraha, isgaarsiinta, iyo mashaariicda caafimaadka maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Taiwan.

Sidoo kale waxay xubnahaasi hogaamin doonaan gar-gaar ay Taiwan ugu talo gashay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

“Dhamaadka November, Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta (ICDF) ayaa koox gar-gaar u diri doona Somaliland, si ay u furaan xafiis saldhig u noqda shaqada laga bilaabayo bilawga 2021-ka”.

Somaliland iyo Taiwan ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, kaasi oo ay si weyn uga hor-yimaadeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu kala sheegta labada maamul, ee iyagu ku doodaya madax-banaanida.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60