Xog: Maxaa keenay inay S/LAND u dhawaato Israel?

Hargeysa (Caasimada Online) – Inkasta oo aan dal loo aqoonsaeyn, Somaliland ayaa door-bidaysa inay kamid noqoto dalalka Muslimka ah ee heshiiska la galay Isreal, xili uu muddooyinkii dambe uu soo fiicnaanayey xiriirka Isreal ay la leedahay dunida Muslimka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Israel ayaa iyadu laftigeeda daneynaysa inay xiriir saaxiibtinimo la sameysato xukuumada Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aan caalamka dal ahaan looga aqoonsaneyn.

Xukuumada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe si weyn usoo dhaweynaysay xiriirada ay Israel la sameysaneysay dalalka gobolka sida; Imaaraadka Carabta iyo Sudan, kuwaasi oo dalalka Islaamka qaarkood ay cambaareeyen.

Xiriirka lagu wado inay yeeshan Somaliland iyo Israel ayaa waxa hormuud u ah dowladda Imaaraadka Carabta, oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo xukuumada Muuse Biixi, taasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Somaliland ay raacdo wadada Imaaraadka ee dhawaan xiriirka kula sameysatay Israel.

Waxa kale oo xiriir dhex-mara labada dhinac ahmiyad gaar ah siinaya ama muhiim kasii dhigaya sida uu baahiyey Wargeyska Business Week, ahmiyadda dhuleed ee Somaliland, badda Cas iyo marinka Bab el-Mandab oo uu sheegay inay noqon karto goob laga difaaco ama laga ilaaliyo Maraakiibta sida joogtada ah u isticmaala.

Guuxa xiriirkan ayaa imanaya xili ay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland ay hore u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israel, ayna xiriir la yeelato Tel Aviv, kuwaasi oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sano baadi goobeyso, ee ay ku guuleysan la’dahay Somaliland.