Taiwan oo saraakiil sar-sare u soo direysa Somaliland iyo qorshe cusub oo socda

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Taiwan ayaa shaacisay in saraakiil ka tirsan maamulkeeda ay u direyso Somaliland, oo sanadkan horaantaasi ay kala saxiixdeen heshiis diblumaasiyadeed, kaasi oo keenay inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa.

Mas’uuliyiinta ay Taiwan u direyso magaalada Hargeysa ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan dar-dar gelinta heshiiskii ay hore u kala saxiixdeen labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhinacyada horumarinta.

Wafdiga Taiwan ayaa dhawaan gaari doona Somaliland, kuwaasi oo soo indho-indheynaya arrimaha beeraha, isgaarsiinta, iyo mashaariicda caafimaadka maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Taiwan.

Sidoo kale waxay xubnahaasi hogaamin doonaan gar-gaar ay Taiwan ugu talo gashay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

“Dhamaadka November, Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta (ICDF) ayaa koox gar-gaar u diri doona Somaliland, si ay u furaan xafiis saldhig u noqda shaqada laga bilaabayo bilawga 2021-ka”.

Somaliland iyo Taiwan ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, kaasi oo ay si weyn uga hor-yimaadeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu kala sheegta labada maamul, ee iyagu ku doodaya madax-banaanida.