Karaash oo shaqo joojin ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland + sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa shaqo joojin ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska Axmed Karaash oo ku taariikheysneyd shalay oo ay ku beegneyd 11-ka bisha Novermber ee 2020-ka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyey wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay November 11, 2020 waxaa shaqo ka joojin lagu sameeyey wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Cabdirisaaq Jaamac Aadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan qoraalka ah ee uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntand laguma sheegin sababta shaqada looga joojiyey labadaasi mas’uul.

Caasimada Online ayaase ogaatay sababta, waxaana shaqo joojinta ay ka dhalatay, kadib markii dhowaan uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhismaha wasaaradda ku dhexmaray wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay wuxuu dagaalkaasi dhaawac wejiga ah ka soo gaaray wasiirka oo la sheegay in ay agaasimaha isku qabteen lacag.