QM oo war cusub ka soo saartay dagaalka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa war cusub ka soo saartay dagaalka ka socda gobolka Tigray oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka Tigray ee loo yaqaano TPLF.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa marka hore lagu sheegay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah ee lagu kor dagaalamayo.

Sidoo kale QM, gaar ahaan xafiiskeeda arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka aysan geli karin gobolka Tigray, si ay ugu gurmadaan shacabka.

Sidoo kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in aan gargaar sida cunnada iyo adeeg caafimaad la gaarsiin karin dadka ku go’doomay dagaalkaasi.

Is-gaarsiinta deegaanka ayaa sidoo kale meesha ka baxday, taas oo sii adkeysay xaaladda adag ee ka jirta gobolkaasi.

Kumaan dad ah ayaa ka barakacay guryahooda, una tallaabaday wadanka Suudaan, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 11,000 oo qoys, waxaana Qaramada Midoobay ay shaaca ka qaaday in tirada dadka qaxaya ay sare u kici karto maalmaha soo socda.

Xaaladda gobolka Tigray ayaa weli u cakiran, iyada oo sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac badan.