Puntland oo gacanta ku dhigtay lacag dhan hal bilyan

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Qardho ayaa sheegaya in maanta lagu qabtay lacag dhan hal bilyan oo Shilin Soomaali ah.

Lacagtaan aadka u badan ayaa waxaa gaarigii siday gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka Puntland ee ka howl-gala magaalada Qardho ee maamulkaasi, gaar ahaan askarta joogta inta u dhexeysa koontaroolka deegaanka Al-Xamdulilaahi iyo Waaciye.

Maamulka degmada Qardho oo ka hadlay soo qabashada lacagtaasi ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in la doonayey in lagu qal-qal geliyo Puntland ,si sare loogu qaado sicir bararka haatan ka jira deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu maamuku sheegay in haatan lacagtaasi la dhigay Bangiga Qardho, islamarkaana ay sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah.

Lama oga ujeedka dhabta ah ee laga lahaa lacagahaasi, iyada oo raggii waday haatan gacanta lagu hayo.

Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado adag oo ka dhashay sicir barar baahsan oo ka jira deegaanadeeda, kuwaas oo saameeyey bulshada.