Wafdi ka socda Jabuuti oo gaaray Somaliland + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga dalkaas, Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) ayaa maanta soo gaaray caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wafdiga ayaa waxa garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi, oo ay horkacayeen wasiirka horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed iyo wasiirka horumarinta khayraadka biyaha, Maxamed Muuse Diiriye.

Waxa sidoo kale wafdiga Maxamed Soomaali kamid ah wasiiro kuxigeeno ka tirsan dowladda Jabuuti, oo maalmaha soo socda magaalada Hargeysa kulamo kula qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Safarka wafdigan ka socda Jabuuti ayaa u daaran dar-dar gelinta xiriirka labada dhinac iyo weliba hirgelinta mashaariic horumarineed oo in muddo ah uu soo socday qorshaheedu.

Wafdiga ayaa isla maanta qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay madaxweyne Muuse Biixi, kuwaasi oo kala hadlay xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga arrimaha horumarinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Waxa kale oo Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha & horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Wafdiga Maxamed Soomaali ayaa imanaya xili xiriirka Somaliland iyo Jabuuti uu sarre usii kacayo, kadib markii bishan gudaheeda ay labada dhinac is weydaarsadeen wufuud kala duwan, si loo dar-dar geliyo xiriirka labada dhinac iyo mashaariicda horumarineed.