Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danaba ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Howl-galka oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in habeen hore uu soo gaaray degmada Wanlaweyn, kadibna ay ka war-heleen, iyada oo ay ciidamadu u daadeen gurigii uu ku sugnaa.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.
Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

