Dhismooyin ay Shabaab ku sugnaayeen oo la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inay 1-dii bishan fuliyeen laba duqeyn oo ka dhacay Soomaaliya.

Qoraal maanta kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in labada duqeynba lala beegsaday laba dhismo oo ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in duqeymaha ay burburiyeen labada dhisme, balse weli ay socoto qiimeyn dhameystiran. Illaa iyo hadda lama sheegin haddii jiraan khasaare nafeed oo halkaas ka dhashay.

Waxay sidoo kale sheegeen in qiimeynta ay muujineyso in dad shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymaha.

“Ficilkan wuxuu caddeyn u yahay inaan sii wadeyno ballan-qaadyada aan u sameyneyo Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada ee AFRICOM, Maj. Gen. Joel Tyler.

“Waxaan joogteyn doonnaa hababka iyo rabitaankeena ah inaan weerarno shabakadda argagixisada ee Al-Shabaab marka ay lagama maarmaan noqoto, si aan u ilaalino gobolka, iyo ugu dambeyn dalkeena,” ayuu yiri.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 oo askari ay billaabeen inay ka baxaan Soomaaliya, taasi oo dhalisay cabsi ah in laga yaabo in tallaabadan ay wiiqdo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.