Kenya oo qaadeysa tallaabo ay diiday DF kadib markii ay ku biirtay golaha ammaanka

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dooneysa iney ka shaqeyso qorshe liiska waxa loogu yeero Argagixisada ee Qaramada Midoobay loogu darayo kooxda Al-Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya, taasi oo halis weyn ku noqon karta shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa sidaas baahiyay iyadoo maanta ay dowladda Kenya u bilaabaneyso mudada labada sano ah oo ay ku fadhineyso kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ku mataleyso bariga Afrika.

Kenya waxey dooneysaa in Al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada, wuxuuna ujeedka guud yahay iney la dagaalanka kooxdaan ay u adeegsato qorshayaal kale oo badan oo ka dhan ah Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda tallaabada Kenya, waxaana sababta ay tahay ayada oo la rumeysan yahay in Kenya ay arrintan u adeegsan karto inay ku beegsato shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya, oo ay ku dari karto liiskaas, taasi oo halis ah.

Madaxweynaha Kenya uu qorsheynayo in damacooda ku aadan arinkaan ay hor dhigaan golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedkooda ay ku matalayaan kursigaas geeska Afrika.

Kenya waxey kursigaan kaga guuleysatay Jabuuti, waxeyna Geeska Afrika matali doontaa sanadaha 2021 iyo 2022, soo jeedin walba oo dhankeeda ka timaada waxey u baahan tahay in loo bandhigo dalalka shanta ah ee joogtada ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.

Si kastaba Kenya waxey dhibaato badan ku qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida maadaama ay weeraro ka fuliyaan gudaha wadankooda, waxaana dhacda iney mararak qaar afduub ka sameeyaan.