Sanbaloolshe oo shaaciyey in hub badan laga saaray madaxtooyada + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka hadlayey shirka madasha aragi wadaagga ee Garoowe ayaa soo hadal qaaday arrimaha ciidamada iyo ammaanka guud ee dalka.

Sanbaloolshe ayaa marka hore ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay siyaasadeysay amniga dalka iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

Taliyihii hore ee NISA, sidoo kalena haatan ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo hubka culus ee lagu taageeray loo dhiibay saraakiil gaar ah, kuwa kalena laga ilaaliyey, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in todobaadkii la soo dhaafay dhismaha madaxtooyada laga saaray hub uu sheegay in loo qeybiyay dad shacab ah.

“Hadda sitimaankii la soo dhaafay waxaan ognahay hub laga baxshay madaxtooyada oo dad shacab ah loo qeybiyey, marqaatigeeda annaga ayaa heyno,” ayuu yiri Sanbaloolshe

Siyaasiga caanka ah ee Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhiliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamada u kala saartay labo qeybood, isaga oo tilmaamay in ciidamada kooxda Al-Shabaab kula dagaalamaya gobolada Hiiraan iyo Shabeellooyinka loo yaqaano tuugo, halka kuwa kale ee ka yimid Gedo, Galdogob, Caabudwaaq, Buuhoodle iyo deegaano kalena loo yaqaano kuweenna.

“Nidaamka dhisida ciidamada ballantu waxaa ay aheyd in la isla ogaado, hayeeshee waxaa jira ciidamo aan la ogeyn oo loo diray Ereteriya, madaxweyne farmaajo markii uu imaanayey waxa uu ciidamada u kala saaray team-keena iyo tuugada,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey musharraxiinta mucaaradka ay ugu eedeeyeen dowladda dhexe inay ciidamada u adeegsaneyso arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka oo ay weli isku khilaafsan yihiin labada dhinac.