Rag hubeysan oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo dhac iyo dhibaatooyin kale ka geysanayey gudaha degmadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in lagu soo qabtay illaa saddex nin oo la sheegay inay dhaawac u geysteen dad shacab ah.

Sidoo kale maamulka ayaa sheegaya in raggaasi oo sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya lagu xiray saldhigga Booliiska degmada, islamarkaana ay u gudbin doonaan laamaha amniga ee ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa beryahan dambe xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale gacanta loogu soo dhigay rag burcad ah oo dhac ka geysanayey qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.