Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Mudisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamiin ahaa oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye, halkaas oo ay dhismo ka wadaan Injineero Turki ah iyo shaqaale kale.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada Booliiska Haramcad ee ku sugan wadadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ruuxa ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka ayna ku fureen rasaas, balse uu qarxay marka uu ku soo dhowaaday.

Ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada Haramcad ee ilaalinayey Injineerada ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen 3 ka mid ah shaqaalaha Turkiga iyo 4 ka tirsan askarta Haramcad.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo qarax lala eegto shaqaaladha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.