Sidee loo fuliyey qaraxii lagu dilay xildhibaan Khaliif?

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah-faahin ka soo baxeysaa qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, oo lagu dilay Allaha u naxariistee Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Gaari nooca raaxada oo uu lahaa oo qaraxa loogu soo xiray ayuu kula qarxay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano, waana daqiiqado yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa kursigii uu ku fadhiyay Xildhibaanka, oo halkaasi ugu geeriyooday dhaawacyo culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Jugta qaraxa oo baqdin geliyay dadka deegaanka ayaa fiidnimadii horeba bilaabay in ay guryahooda ku xaroodaan.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano in doora-qaatay ka sameeyay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyagoona kolkii dambe halkaasi ka jiiday gaariga.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ka tirsanaa. Shabaabku waxay sheegeen in Xildhibaanku uu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam kaga tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen kooxda argagixisada Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.”

Isniintii ayay ahayd markii Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland ay sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ka hortagtay qarax loogu xiray gaarigiisa..

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan ku baxa gacanta kooxaha argagixisada.