Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus oo ‘la duqeeyey’ iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn cirka ah oo xalay laga fuliyey deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Sh/Hoose.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarun ay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in burbur xoogan uu soo gaaray qalabka iyo dhismaha Idaacacadda, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ciidan ayaa sheegay in illaa afar gantaal lagu dhuftay xaruntaasi xalay fiidkii hore, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Al-Shabaab.

Dhinaca kale war qooraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaasi, iyada oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeyntan, balse uu burbur xooggan gaaray qalabka Idaacadda Andalus ee xarunteeda Kuunya-Barrow.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda howl-galkan, iyada oo aysan ka hadlin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.