Turkey oo shaacisay tirada dadka looga dilay iyo kuwa loogu dhaawacay qaraxii duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi oo dhaca inta u dhexeysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in qaraxaas lala eegtay shaqaale iyo Injineero Turkish ah oo ka shaqeenayey dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Bayaanka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Afar Qof oo uu ku jiro Sarkaal Turkish ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar qof oo kale oo turki ah.

“Aad ayaan uga murugeysan nahay inaan maqalno warka sheegayo in aroortii hore ee saaka weerar argagixisanimo lagu  qaaday shaqaale ka tirsan shirkad laga leeyahay Turkiga, kaasoo keenay dhimashada 4 qof, uuna ku jiro muwaadin Turkiga u dhashay, waxaana si dhow ula soconaa xaaladda dhawaac soo gaaray 4 muwaadin oo u dhashay Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay cambareeyneyso falkaasi qaraxa ahaa ee lagu weeraray Injineeradooda u shaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay inay sii wadi doonaan garab istaagooda wadanka ay saaxiibada yihiin ee Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha u ridatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay inay weerareen saraakiil caddaan ah oo ku sugnaa duleedka Muqdisho, ayna dileen sarkaal Turkiga u dhashay, kuna dhaawaceen qaar kale.

“Dhimashadu waa sarkaal Turkish ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale,” ayay ku sheegeen qoraalkooda iyaga oo intaasi raaciyay in ay dileen labo ka mid ah askarta Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Dowladda Faderaalka ah gaar ahaan laamaha amaanka wali kama hadlin weerarka, ku dhowwaad 10 qarax ayaa la soo wariyay in ay ka dhaceen wada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye 4-tii sano ee ugu dambeysay, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in lagu joojiyo dhismaha waddada.

Dhismaha wadada oo bilaabatay 2018, waxaa maal-galinaya Dowladda Qatar iyada oo  la joojiyay sanadkii hore ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dilay dad ku dhow 90 qof, oo ay ku jireen Laba shaqaale Turki ah 28 Desember 2019, inkastoo dib loo bilaabay.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku qoran luuqadda Ingiriiska.