Aqriso: War-murtiyeed ka kooban afar qodob oo laga soo saaray shirka Garoowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Magaaladda Garoowe ee Caasimadda dowlad-goboleedka Puntland waxaa maanta oo sabti ah lagu soo geba-gabeeyay shirka Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo socday muddo Saddex Cisho ah.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay oo 4 qodob oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya waxa ayna kala yihiin:-

1) Dhameystirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya

Madasha ayaa bogaasiday dadaalada ay sameeyeen Wasaaradda Dastuurka Soomaliya & guddiyada Madaxa bannaan ee Arrimaha Dastuurka, kuwaas oo sameeyay daraasado qiimo leh soona bandhigay qodobo xasaasi ah oo la xiriira Dastuurka.

2) Arrimaha taabagelinta Nidaam federaal oo dhameystiran

Madasha ayaa dareen ka muujisay kala ragti duwanaanshaha soo noq nqoday ee ka dhaxeeya labada Heer ee dowladda, Madashu waxaa ay garawsatay dhameystirid la’aanta qodobada federaaleynta ay sabab u tahay khilaafka, waxaana ay ku baaqeen qodobo xal u noqon kara.

3) Arrimaha Amniga Qaranka

Madasha waxaa ay bogaadisay Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab & Daacish, hayeeshee waxaa ay ka xun tahay in aan la dhaqan gelin heshiiskii amni ay gaareen dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, kaas oo lagu saxiixay Bishii May ee sanadkii 2017 Magaalada London.

4) Arrimaha doorashooyinka dalka

Madasha waxaa ay soo dhaweyneysaa geedi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka ee kasoo bilawday dhuusamareeb 1, 2, iyo Saddex kuna dhamaaday 17-kii Bishii Setember Villa Soomaaliya, hayeeshee Madasha ay ka walaacsan tahay kala aragti duwanaanta ka taagan hirgelin la’aanta Heshiiska.

Ugu dambeyn Madasha ayaa waxaa ay u mahad celisay Maamulka Puntland iyo Shacabka sida diiran oo ay u soo dhaweeyeen ka qeyb-galayaasha Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage iyo Madaxda machadka Heritage sida ay u soo agaasimneen Shirkaan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, Saddex kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta, Urrurada Bulshada rayidka & xubno kale.

Hoos Ka Akhriso Qodobada warmurtiyeedka oo fah faahsan