Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay Raage-Ceelle

Jowehar (Caasimada Online) – Warar laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Raage-Ceelle oo ka tirsan gobolkaasi, kadibna ay dagaal toos ah la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab waxaa u suura-gashay inay la wareegeen degmadaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee Internet-ka, kana soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey la wareegitaanka degmada Raage-Celle oo 6-dii sano la soo dhaafay ay ka howl-galeen ciidamada milatariga Soomalaiya & kuwa AMISOM.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmada, iyaga oo halkaasi ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Maalmihii u dambeeyey Al-Shabaab ayaa culeys xoogan saaray deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Sh/ Dhexe oo ay ku xoogajn yihiin deegaano ka tirsan gobolkaasi.