Dowladda MASAR oo ku fashilantay qorshe ay ka damacsaneyd Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku guul-darreysatay isku day ay ku dooneysay inay saameyn siyaasadeed ku yeelato Soomaaliya, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Sanadkii tegay, Masar waxay marar badan isku dayday inay saaxiib la noqoto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo u ballan-qaadeysa taageero militari,” ayuu yiri diblomaasi sare oo ay soo xigatay Anadolu. 

“Mas’uuliyiinta Soomaalida waxay garowsadeen qorshooyinka xun ee Masar ay damacsan tahay, wayna diideen kaalmada militari ee loo yaboohay,” ayuu yiri. 

Sida uu sheegay diblomaasiga, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday yabooha, Masar ayaa u weecatay maamulka Somaliland, oo sheegta inuu ka madax-banaan yahay Soomaaliya, islamarkaana xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka. 

Qaahira ayaa bishii July waxay mas’uuliyiinta Hargeysa weydsiiteen inay u ogolaadaan inay sladhig militari halkaas ka sameysato. 

“Masaarida aad u ogyihiin in xiriirka xun ee Muqdisho iyo Hargeysa uu xilli kasta isku beddeli karo dagaal. Waxay isku dayayaan inay shidaal kusii shubaan dabka,” ayuu yiri diblomaasiga.

Saameynta xooggan ee Masar ay dooneyso inay ku yeelato Geeska Afrika ayaa waxaa sabab u ah xiiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa biyo-xireenka Nile, waxaana Masar ay dooneysaa inay gacanta ku dhigto xulufaysiga Soomaaliya iyo Sudan si ay gees ugu riixdo Addis-Ababa.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, wuxuuna cadaawaddii qarniyo u dhaxeysa labada dal ku beddelo saaxiibtinimo ku timid saacado gudahood, taasi oo wiiqday qorshaha Masar.