DF oo burburin ku bilowday Dugsiga Hoyga Xamar oo ganacsato laga iibiyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa aroortii hore saakay hawlgal burburin ah ku bilaabay dhismaha dugsiga Hoyga Xamar ee ku yaalla dagmada Hogan, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

Dood muddo socotay ayaa ka taagneed dhulka uu dhismaha dugsiga ku yaallo, waxaana sheegtay qoys dan guud loogala wareegay, dacwo dheer kadib waxaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed oo ay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maamulka dugsiga Hoyga Xamar ayaa ka digay dhibaatada ay keeni karto xukunka ay riday maxkamadda, sidoo kale wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa sheegtay in dhulkaas uu yahay dan guud.

Iyadoo ay taasi jirto ayey ciidamada Booliska saakay aroortii burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga, si dhulka loogu wareejiyo ganacsatadii iibsatay.

Maamulaha dugsiga Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo warbaahinta la hadlay markii uu soo baxay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in dhulkaan lacag ku dhaw hal malyan oo Doolar lagu iibiyay, sidoo kalana isaga loo keenay lacago gaar ah si uu dhulka u baneeyo.

Bishii Maarso ee 2020 ayey maxkamadda gobolka Banaadir riday xukunka, waxeyna durba amartay in la baneeyo dhulka, maanta ayeyna ciidamada Booliska amarkaas fuliyeen iyadoo sida sawirada ka muuqata burburinta ay socoto.