Madaxweyne Farmaajo oo qoraal xasaasi ah u diray ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal u diray Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo uu kaga dalbanayo taageero hor leh oo xilligan lasiiyo Soomaaliya.

Dhambaalkan oo loo dhiibay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif ayaa gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abu Kheyt, isaga oo kulan gaar ah la qaatay, kaas oo ay uga wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya.

Ugu horeyn wasiiru dowlaha ayaa u gudbiyey Ururka Jaamacadda Carabta farriinta uu ka sidday madaxweynaha ee ku aadan in la kordhiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee la siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama xilli adag lagu jiro.

Sidoo kale qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay, sida uu ugu kalsoonyahay inay sii socon doonto taageeradaasi oo muhiim u ah shacabka & dowladda.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kulanka ka hadlay ayaa isna ballan qaaday inay fulin doonaan dalabka kaga yimid madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana ay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya daruufo adag.

Waxa kale oo u7u xaqiijiyey in Jaamacadda Carabta ay si buuxda uga go’an tahay inay sii wado taageeradda ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, deganaanshaha, dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha iyo Juhdiga dadaallka Soomaaliya looga cafin lahaa geymaha ay ku leeyihiin dalalka caalamka.

Farriinta madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad ka dhalatay muranka doorashooyinka.