JUBALAND oo shaacisay sida ay u aragto go’aankii kasoo baxay MIDOWGA AFRIKA

Kismaayo (Caasimada Online) – Mamaul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee 22 April 2021, kaasi oo si xooggan loogu cambaareeyey muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee September 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.”

Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo ergey u kala dab-qaada dhinacyada Soomaaliya, islamarkaana dib u fura wada-hadalladii doorashada ee u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada. 

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shalay Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sidoo kale  sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba Dubbe ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

“Ma jiro urur goboleed sharci u leh inuu ka hor yimaado go’aan kasoo baxay baarlaman dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, waa arrin la yaab leh qodobkaas, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Aammaanka Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Ma cadda sida ay wada-hadallo ku dhici karaan haddii ay dowladda weli ku adkeysaneyso muddo kororsi.