Mid kamid ah garsoorayaashii kiiska Somalia iyo Kenya oo dhintay – Maxaa isbedelaya?

Nairobi (Caasimada Online) – James Richard Crawford oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda ICJ ayaa geeriyooday.

Crawford, oo dhashay 14-kii November 1948-kii, ayaa garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ, tan iyo Febraayo 2015, waxaana uu kursiga sii fadhin lahaa illaa Febraayo 2024.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in garsoorahan u dhashay dalka Australia uu geeriyooday 31-kii May.

Crawford ayaa ka mid ahaa 15-ka garsoore ee dhageystay kiiska Soomaaliya iyo Kenya, oo Muqdisho ay isku dayeyso inay Kenya uga soo ceshato dhul badeed ka badan 100,000 oo isku-wareeg km ah oo Nairobi ay dooneyso inay boobto. 

Geeridiisa ayaan la fileyn inay wax saameyn ah ku yeelato kiiska, ayada oo garsoorayaasha ay goor-horeba qoreen kana tageen go’aankooda. Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa lagu saleeyaa aqlabiyad. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa hadda sugaya kaliya in lagu dhowaaqo, waxaana taas la filayaa gudaha sanadkan.

Dowladda Kenya ayaa diiday inay ka qeyb-gasho dhageysi oraaheedkii dacwadda ee dhacay 15-18 March, inkasta oo ay hab qoraal ah ay dooddeeda u gudbisay.

Go’aan kasta oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah, oo aan dib loogu laabaneyn, mana lahan wax racfaan ah, ama maxkamad kale oo lala aadi karo.