Musharraxiinta oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Kulankan oo ay inta badan goobjoog ahaayeen musharaxiinta u taagan madaxweynaha ayaa waxaa guddoomiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha golahaasi.

Inta uu socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, siiba arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, maadaama heshiis laga gaaray.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid is xog-wareysi, sida uu shaaciyey madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh oo qoraal kooban soo saaray, kadib shirkaasi.

“Waxaan iska xog wareysannay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha la magac-baxay Midowga Musharraxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho.

Kulankan dambe ee xalay dhacay ayaase kusoo aadayo, xilli ay musharraxiinta mucaaradka ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubnaha ay cabashada  ka muujinayaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka dalka ee heer federaal.

Soomaaliya ayaa haatan galeyso doorashada isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo ay heshiis buuxa ka gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale mucaaradka oo qeyb ka ah tartanka doorashooyinka.