Xog: Wasaaradaha dowladda oo laga jaray lacagtii socod-siinta shaqada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu wasiirka Maaliyadda Soomaaliya sheegay in dowladda ay wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh, waxaa jiray in lacagta qaar laga goostay wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysaa in dhamaan wasaaradaha Xukuuda iyo xafiisyada kale ee dowladda qaarkood laga joojiyay lacagtii la siin jiray ee socodsiinta shaqada qaranka (Running Cost), waxaana sababta lagu sheegay in aysan dowladda awoodin. 

“Ma jirin wax lacag ah oo ka badan mushaarka shaqaalaha oo aan helnay labadii bil ee ugu dambeysay, ugu dambeynna waxaa naloo sheegay in aysan dowladda awoodin qarashaadka lagu bixiyo shaqooyinka wasaaradaha,” ayuu yiri mid kamid ah agaasimiyaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. 

Lama oga saameynta ay shaqada dowladda ku yeelan karto lacagaha loo waayay wasaaradaha dowladda oo shaqooyin kala duwan qabta. 

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya bishii April ee sanadkaan warbaahinta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo la’aan xoog leh wajaheyso isagoo yiri “sag-xadda ayaa joognaa wax lacag ah ma heyno.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in Bankiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, murankii siyaasadeed ee doroashada iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.

Ayada ooh adda heshiis laga gaaray doorashada, ma cadda haddii dalalka Reer Galbeedka ay dib u fasaxi doonaan dhaqaalihii ay ku kabi jireen miisaaniyadda dowladda.