Wararkii ugu dambeeyey ee tirinta codadka doorashadii SOMALILAND ka dhacday

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashada ee golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday lixda gobol maamulkaasi, Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag iyo Sool.

Tirinta codadka ayaa haatan si habsami u socota, waxaana codeeyey in ka badan hal miliyan oo qof oo isku diiwaan-geliyey doorashadan oo aheyd qof iyo cod.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada Somaliland ay muddo qaadan doonto, maadaama uu is-bedal ku yimid waqtiga loo asteeyey shaacinta.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale xalay sheegay in roobab ka da’ay bariga Somaliland ay sababeen inay wax iska badalaan ku talo-galkoodii hore.

Sidoo kale meelaha qaar ayaa lasoo gaba-gabeeyey tirinta codadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada doorashada.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan natiijada, gaar ahaan codadka ay heleen qaar ka mid ah musharrraxiinta iyo sida loo kala helay.

Doorashada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September 2005-tii.