Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo baaq culus u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Aadan Barre Ducaale oo ah mudane sare oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, ahaana hoggaamiyihii hore ee aqlabiyada golaha baarlamaanka ee daalkaasi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Ducaale oo ka hadlayey munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha  Soomaalida nay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada dalka iyo dadka, isla-markaana ay tanaasul sameeyaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay go’aanka qaadanayaan ay ku saleeyaan horumarka Soomaaliya, si dalka looga gudbiyo xaaladda adag ee uu haatan ku jiro.

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa shaaciyey in madaxda Soomaalida looga baahan yahay in aysan wax u meerin dalalka dariska iyo kuwa Carbeed.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka, hogaamiyeyaasha gobolada iyo siyaasiyiinta gaar ahaan Farmaajo in marka aad tashaneysaa aad go’aanadiina ku saleysaan danta Soomaaliya oo aysan idin meerin dowladaha derisa ama kuwa Carabta,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ay heshiis rasmi ah ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu jiheynayo doorashooyinka muranka badan dhaliyey ee sanadka ka dhacaya dalka.

Soomaaliya ayaa haatan galeyso marxalad doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo ay si weyn ugu tartami doonaan musharraxiinta Soomaaliyeed.