Ciidamo la wareegay buundo muhiim ah iyo xiisad culus oo ka taagan Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maadey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne.

Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey.

Khilaafka u dhaxeeyo labadaan Mas’uul oo muddooyinkii dambe soo jiitamayey ayaa hadda noqday mid saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee Magaalada Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal ka qarxo Magaalada dhexdeeda.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, khilaafka labada Mas’uul ayaa salka ku hayo sida loo maamulayo lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas, taasoo ugu dambeyn keentay in khilaafkooda laga dareemo magaalada oo dhan .

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qabto shacabka Magaalada Beledweyne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaadaha wabiga.

Lacagta kasoo xarooto Gobolka ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin gacanta madaxda ugu sarreeyo Maamulkaas, waxayna hadda u muuqataa in dhexdooda ay ku heshiin la’yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolosha ay ku dhibaataysan yihiin magaalada Beledweyne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada Beledweyne ayaa wado waawaan la doonayo in buundada looga qaado ciidamada xirtay kuwaas oo saaka lagu waabariistay iyagoo halkaas ku sugan, sidoo kalana waxaa socdo dadaal lagu doonayo in labadaan mas’uul la isugu soo dhaweeyo inkastoo khilaafkooda uu gaaray meel aad u sarreeyo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaan weli ka hadlin khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan oo ah mid isku xiraa Koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyadoona ay ka baxaan maalintiiba gaadiid qaada xoolaha iyo bagaashka nuucyadiisa kala duwan kuwaas oo geeya gobollada dalka.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Beledweyne marti gelso khilaaf u dhaxeeyo madaxda Maamulka Hiiraan, waxaana mar kasta khilaafka dhaliyo musuq maasuqa ay mas’uuliyiinta ugu sareeyo ku sameeyaan lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas oo ah mid muhiim u ah Hirshabelle.