Biixi oo farriin xasaasi ah u gudbiyey wakiilada beesha caalamka ee tagay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimid indho-indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii xubnaha wafdiga uga mahad-naqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, isagoona tilmaamay in Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu wakiilada beesha caalamka u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland, midaasi oo aheyd farriin uu wakiilada ugu dhiibay inay gaarsiiyan dalalkooda.

Sidoo kale waxa uu xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK u sheegay in Somaliland ay madax-bannaaneyd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, isagoona xusay in aanay Somaliland marnaba ka suuro-geli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii.

“Waxaa u mahadnaqayaa shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabad-gelyo ah,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxa u mahadnaqayaa xisbiyada qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay inay inoo dhacdo doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyay goob-joogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan ee shalay ka dhacay deegaanada Somaliland.

Dhinaca kale, Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo ayaguna dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:-

Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.