Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye oo aan la garaneyn halka laga soo riday ayaa hadda ku soo dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan shan hoobiye ayaa ku dhacday hareeraha madaxtooyada, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama garanayo meesha laga soo riday hoobiyeyaashaan, waxaana dadka ku nool xaafadaha ku hareereysan madaxtooyada soo wajahday cabsi xoog leh.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.