XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee dhinaca maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud “Caanaboore” ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyay cabasho ka dhan ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in guddoomiye Caanaboore uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan la shaqeyn karin guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana ay istaageen dhammaan shaqooyinkii gobalka Banaadir kadib khilaaf dhaxdooda ragaadiyay. 

Ilaa hadda lama bixin mushaarka qeyb kamid ah shaqaalaha gobalka Banaadir, kaas oo ahaa mushaaraadka bilihii May iyo Juun, waxaana sidoo kale ilaa hadda aan wax lacag ah laga soo bixin akoonka dowladda hoose iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka labada mas’uul oo sii xoogeystay. 

“Guddoomiye Caanaboore waxa uu Madaxweynaha u sheegay in uusan la shaqeyn karin Cumar Filish sidaas darteed waxa uu ka codsaday in labadooda midkood xilka laga qaado,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir. 

Khilaafka labadaan mas’uul oo taagan muddo bilooyin ah ayaa curyaamiyay dhamaan shaqooyinkii gobalka Banaadir, waxa uuna salka ku haayaa arrimo dhinaca maaliyada ah.