Xarumo ay ku sugnaayen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo la bur-buriyey

Garoowe (Caasimada Online) – Xarumo dhowr ah oo ay deeganada Puntland kaga sugnaayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa gebi ahaanba la bur-buriyey, kadib howl-galo ay fuliyeen ciidamada Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Amniga maamulkaas.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka Amniga Puntland oo faah-faahin kooban ka bixiyey howl-galo ay dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ka sameeyen ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa sheegay in lagu jabiyey argagixisada.

Waxa uu sheegay in howl-galadaas cagta lagu mariyey inta badan dhulka Buuraleyda ah ee dhow Boosaaso sida; Sugul, Ceel-gobaad, Dhashaabo, Majiyahan, Maraje, Ceel-dibir iyo degaano kale.

Gallan ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciidamada ay bur-buriyeen xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ee deeganadaas, ayada oo ay kaga qabsadeen Saanad ciidan oo iskugu jirtay Hub iyo Agab kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in wajigii labaad ee howl-galadaas oo ayaguna ka dhan ahaa Daacish laga fuliyay degaannada, Balli-dhidin, Tuulo-Ciise, Kaneecaleey, Dhabanacaddo, Dabdheero, Ceel Ileed iyo deegaano kale.

Howl-gallada ciidamada maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya xili ay dagaal adag kula jiro maamulku kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka howl-gasha Soomaaliya, kuwaasi oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya maamulkaas.