Xog: Sababta rasmiga ah ee Cabdi Xaashi u diidan yahay qorshaha R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada guddoonka guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhacdo xerada Afisyoone, si loo mideeyo labada garab ee guddiga ee la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Si kastaba, garabka siyaasiyiinta gobollada waqooyi iyo Cabdi Xaashi ayaa diidan doorashadan, oo ay u arkaan in hoggaanka guddiga loogu gacan gelinayo garabka Mahdi Guuleed.

Qoraal shalay kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi ayey ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada?

Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.