25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dowladda oo shaacisay in laga hor-tegay qaraxyo lagu fulin rabay dhowr baabuur

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya waxaa la burburiyey gawaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lagu beegsaday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay ku xoogan tahay.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogagga baraha bulshada ee warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka, isla markaana la burburiyey dhammaan gaadiidkii ay qaraxyada ku diyaarisay kooxdu.

“Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, dhammaantoodna waa la baabi’iyey,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Faahfaahin intaas ka dheeri ah lagama bixin howlgalkaas qaabka loo fuliyey, tirada gaadiidka laga burburiyey Al-Shabaab, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo halka loo waday ama lagu beegsa rabay qaraxyada laga hor-tegay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood badan ku leh gobolka uu howlgalkaan ka dhacay ee Jubbada Dhexe, kaas oo gabi-ahaantiis ay maamulaan.

Inta badan diyaaradaha wax duqeeya ee dowladda Mareykanka ayaa beegsada saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada ay ka joogaan gobollada dalka, waxaana loo maleynayaa in howlgalkaan lagu fuliyey duqeyn dhanka cirka ah.

Waxaa aad u yar xogta laga heli karo dadka deegaanka, sidoo kale dhanka Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin howlgalkaan ay dowladda Soomaaliya shaacisay in  lagu beegsaday gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen.

- Advertisement -

Read more

Local News