Wararkii ugu dambeeyey doorashada maanta ka dhaceysa BAYDHABO

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ka socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceyso magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo saddex kursi ah ayaa waxaa ku loolaya illaa lix musharrax kuwaas oo kala ah: 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed, 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Lixdan musharrax ayaa ah kuwa cusub, iyada oo uu Lafta Gareeb meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo iyaguna kala ah; Mudane Cabdikaafi Macallin Xasan, Mudane Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ka hor doorashada hadal jeedin ka sameyn doono xarunta golaha wakiilada Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyey guddiga qabanaya doorashadaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta doorashada ka dhaceyso la dhigay ciidamo dheeraad ah, si ay u sugaan nabad-gelyada doorashadaasi.

Koonfur Galbeed ayaa horey usoo xushay shan Senatar, kadib doorasho dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi.