Xog: Midowga Musharaxiinta oo laba u kala qeybsamay iyo shirkii maanta oo lagu kala tagi gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka Golaha midowga musharaxiinta maanta uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa inuu khilaaf xoog leh hareeyey kulankii maanta, kaas sababi gaaray in lagu kala tago.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ay ka hor-yimaadeen in goluhu uu go’aan ka soo saaro hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan ka bilaabatay deegaanada dowlad goboleedyada, taas oo musharaxiinta qaar ay u arkaan inay ceeb ku tahay dimuquraadiyadda curdunka ah iyo sharafta dowladnimada Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in musharaxiinta kala ah Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed ay musharaxiinta kale ka diideen in mowqif mideysan oo ka dhan ah sida ay doorashadu ku socoto lasoo saaro, waxaana jira tuhun ah in labadaas musharax ay lasoo xariireen oo xulufo ay la yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Iyadoo lagu kala tegi rabo shirkii maanta, maadaama la kala shakiyey ayey musharaxiintu goor dambe isla qaateen in waqtiga uu soconayo shirku la dheereeyo, oo la gaarsiiyo seddax maalmood, isla markaana wax la dharaan-dhiriyo la-tashiyadana la badiyo.

Sababta keentay in musharaxiintu ay maanta shir isugu yimaadaan waxaa lagu sheegay inay hadda ku baraarugeen laba astaamood oo uga soo dhex-baxay qaabka ay u socoto doorashada dalka, kuwaas oo kala ah:

1 – In awoodii doorashada oo dhan, sida xulashada xubnaha ku soo baxaya Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay gacanta u gashay madaxda dowlad goboleedyada.

2 – Iyo in Ergooyinka soo xuli doona xildhibaanada golaha shacabka ee laga sugayo odayaasha dhaqanka ay 80% soo xula doonaan madaxda dowlad goboleedyada.

In madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn ku yeeshaan soo xulidda Ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka waxaa la sheegay in si mal-dahan loogu daray heshiiskii 17-kii doorashada ee Sebtember, balse aan markaas lagu baraarugin.

Ilaa hadda afar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka doorashooyin ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku soo baxay 26-Senator, kuwaas oo madax goboleed kasta uu ku soo xushay rabitaankiisa, welina waxaa gobollada ka socota xulashada xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad.