Dhageyso: Codad sir ah oo laga duubay WASIIRADA HirShabeelle oo baahi iyo lacag la’aan ka cabanaya

Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay codad sir oo ku aadan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle oo ka cabanaya mushaar la’aan xoogleh oo ay wajahayaan muddo ka badan hal sano.

Codadkaan oo la duubay bishii Ramadaanka, ayey wasiiradu ku dalbanayeen in bishaas uu maamulka u fidiyo gacan naxariis leh, maadaama aysan wax lacag ah qaadan muddo aad u dheer, sida ay sheegeen.

Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ay ka cunteeyaan guriga Madaxweynaha kadib markii ay ku adkaatay iibsashada raashinka hoteelada iyo maqaayadaha. Waxay sidoo kale isla kireystaan guryaha kadib ay qolkiiba seexato 2-3 qof, kadibna ay isla bixiyaan lacagta kirada oo dhan $50.

Maqaayadaha, hoteelada, iyo goobaha fadhi ku dirirka ayaa la sheegay in aysan tagi karin wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha kale ee HirShabeelle, waxaana sababta lagu sheegay cabsi laga qabo Al-Shabaab oo joojiyay dhismiyaal badan iyo adeegyo kale oo muhiim u ahaa maamulka HirShabeelle.

Bilooyinkii ugu darnaa oo soo mara Golaha Wasiirada HirShabeelle waxay ahaayeen bilihii Soon, Soon-fur iyo Carrafo, maadaama xiligaas qarash badan looga baahan-yahay. Wasiiradan ayaa codad isugu jira baryo iyo calaacal waxay soo dhigeen Group WhatsApp oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Xubno kamid ah dadka xog ogaalka ah waxay Caasimada Online u sheegeen in madaxda maamulka HirShabeelle ay xil ka qaadis iyo beegsi ku sameynayaan wasiirkii ka hadla dhibaatada ay wajahayaan.

Bilooyin ka hor Madaxweynaha HirShabeelle ayaa xilkii ka qaaday mid kamid ah Golahiisa Wasiirada kadib markii lagu eedeeyay in uu lacag ka cunay gabar ay qaraabo ahaayeen oo u dirsatay VISO Turkey ah.

Hoos ka dhageyso codadka