Yey ahaayeen labadii nin ee maanta Xamar lagu toogtay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa laba nin oo ciidamada ammaanka ay maanta ku dileen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo watay mooto Labalugooley (FEKON) iyo qori AK-47 ah, sidoo kale nin kale ayey nolosha ku qabteen ciidamadu.

Dadka ku nool xaafadda Gubta ee degmada Deyniile ayaa Caasimada Online u sheegay in ragaan ay marar badan dhac ka geysteen xaafadda, isla markaana ay maalmihii lasoo dhaafay baadi goob igu jireen ciidamada ammaanka oo lagu war-geliyey.

Inta aan la dilin ragaas is-rasaaseyn kooban ayaa dhex-martay iyaga iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, waxaana la toogtay iyagoo isku deyaya inay baxsadaan.

Marka laga soo tago labada la toogtay, waxaa nolosha lagu qabtay nin kale oo la sheegay inuu ka mid ahaa ragii dhaca ka waday xaafadaas maalmihii lasoo dhaafay.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa Caasimada Online u sheegay in ragaan ay wateen markii la dilay taleefano ay dad ka soo dhaceen, kuwaas oo qoorkood isla goobta lagu siiyey dadkii lahaa, maadaama dadka xaafadaas ay isugu soo baxeen goobta uu dilku ka dhacay.

Maamulka degmada ayaa goor dambe la sheegay inuu goobta ka qaaday meydadka labadaas nin oo ku lebisnaa Tuutaha Militeriga Soomaaliya, kadib markii ay isaga tageen askartii dishay.

Inta badan xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayey tuugada ku lebisay tuutaha ciidamada dowladda waxay habeen iyo maalin ku dhacaan dadka shacabka ah, iyagoo ka furta taleefoonada, lacagaha iyo agabyada kale oo markaas ay wataan.