Wasiirka cusub ee amniga oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Bashiir Goobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Nabadsugida gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac), oo maanta uu magacaabay Agaasimaha KMG ee NISA, Bashiir Goobe.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu faray in uu shacabka ugu adeego si hufan, isagoona u ballan-qaaday in hogaanka cusub ee NISA heli doonaan agab kasta oo u fudeydin lahaa howshooda.

“Waxaan soo dhawaynayaa Magacaabista Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Banaadir Mudane Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac) ee uu Magacaabay Agaasimaha KMG ee Hay’ada Nabadasugigga iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,” ayuu yiri.

“Waxaa la faraya in uu shacabka ugu adeego si hufan, waxaana si buuxda ugu xaqiijinayaa guud ahaan hogaanka Hay’ada NISA in uu diyaar u yahay agab kasta oo loo adeegi lahaa bulshada waxaana u rajaynayaa horumar iyo adeeg bulsho oo hufan.”

Xilka agaasimaha gobolka ee NISA, ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.

Magacaabista Warbac ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.