Puntland oo shaacisay inay qaadeyso tallaabo la xiriirta khilaafka Farmaajo & Rooble

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan gudaha Villa Soomaaliya.

Qawdhan ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aanta doorashada ah, isla-markaana lagu xalin doono magaalada Garowe.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafkan oo sameeyey doorashooyinka uu kusoo dhammaan doono caasimada Puntland ee Garoowe.

“Khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Cabdi Ibraahim Warsame.

Sidoo kale Cabdi Ibraahim sharraxaad kama bixin sida ay Puntland ku wajaheyso dhex-dhexaadinta labada ma’uusl ee ugu sarreysa ee dalka, si loo soo afjaro khilaafkooda.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirka gaarka ah ee ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin Garoowe, isaga oo si weyn u boggaadiyey shirkaasi.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay Puntland ay diyaar u tahay in la sii amba qaado doorashooyinka, si looga gudbo xaaladda guurka ah ee haatan lagu jiro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland horay u qaadacday shirkii golaha amniga qaranka oo uu dhowaan iclaamiyey nadaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.